Akhris Wadareeed
13 subscribers
Download Telegram
Channel created
Channel photo updated
Soo dhowaada saaxiibbayaal.

Dhawrkaan bog, oo ka mid ah buugga NUUN, kuna saabsan qoraaga iyo akhriska ayaa saaka afbilow noo ah. Haddii Alle idmo berrina waxaan bilaabaynnaa buugga اقرأ وارق.

Kani waa 20 bog keliya, wax la kala reebi karo wuu nala noqon waayay, saaka ha nala ku qaato 5-taas bog ee dheeriga ah. Hadda ka dibse jadwalkeennii (15 bog) ayaan ku soconaynnaa I.A.

Baraarujin:

1. Akhriswadareedkeenna macnihiisu ma ahan —sida akhyaarta qaar u fahmeen— in hal mar call la isugu imaanayo oo la wada akhrinayo, waayo, taasi ma suuraggeli karto, dadku isku duruuf ma ahan, isku dalna ma joogaan, hal waqti lama wada heli karo. Ee akhriswadareedkaan habka uu ku socdo waa in maalin walba isku wax la akhriyo, ka dibna groupka looga niqaasho.

2. Maalmaha akhriskeennu waa 6 maalin, jimcadana waa noo nasiino In shaa Allaah. Taas oo noqonaysa in aan usbuucii 90 bog akhrinnay, bishiina 360 bog.

Codsiyo:
Waxaan codsanaynnaa in:
1. Maalin kasta casharka la akhriyo qof waliba faa’iido uu ka helay ka soo qoro, oo uu groupka soo dhigo.

2. Meeshii su’aal ama ishkaal kaa galo in aad groupka soo dhigto, si looga niqaasho.

3. Buugta English ah inta aad akhrinayso haddii aad dul-istaagto eray English ah, oo aad u hayso Af-soomaali ku habboon, fadlan la wadaag groupka, si ay uga faa’iideystaan tarjumeyaasha Soomaaliyeed, una samee gadaalna ka raaci haashtaagga #Tarjumaad

Mahadsanidiin.